Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeybgalayo munaadabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Isla caawa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay khadka telefonka ku wadahadleen Madaxweynaha cusub ee la doortay William Ruto, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo uu jiri doono kulan gaar ah oo labada Madaxweyne dhexmari doona.

- Advertisement -