Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Sulub iyo Dhigiisa dalka Turkiga oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir iyo taliyaha hoggaanka baarista dembiyada  ayaa safar shaqo ku gaaray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Safarka taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiisha la socota ayaa daaranaa iskaashi dhax mara iyo adkeynta xariirka dhaw ee ka dhexeeya ciidamada booliiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Jeneraal Sulub iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Turkiga Sarreeye Guuto Dr. Salmi Altinok, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen xoojinta xiriirka labada ciidan iyo sidii Turkiga tababaro dheeraad ah u siin lahaa booliiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa taageero dhinacyo badan ah siisa ciidanka booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ay iyagu tababareen, waxa sidoo kale dowladda Turkiga tababaro siisaa ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Gor Gor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Xamarweyne iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Ogow Sababta keentay hoos u dhaca ku yimid daawashada kubadda cagta Soomaaliya !!

Cabdi Cade

Daawo Farmaajo:-“Walalaheena Puntland iyo Jubbaland waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan !!

admin
Taboola Ads ---