Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada caalamka oo ka furmay Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka furay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Shirka Madasha isku-duwidda arrimaha bini’aadanimada.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday dowladda dhexe ee Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa looga arrinsanayay xaaladda bini’aadanimo ee dalka ka jira.

Waxaa sidoo kale shirkan inta uu socdo looga hadli doonaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa fatahaado iyo roob duufaanno wata oo la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin  meelo kamid ah dalkeena.

Dowladda Soomaaliya ayaana dhawaanahan soo saareysay digniino la xariira roobab wata dabeylo xoogan oo ka da’a qeybo kamid ah Soomaaliya, kuwaa oo laga cabsi qabo in ay waxyeelo xooggan geestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka jira in Jen. Saadaq John uu heshiis la galay dowlada Soomaaliya?

Caydiid Ali

Taliyaha Heyadda NISA oo ka hadlay geeridii ku timid Jen. Max’ed Warsame Darwiish

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---