Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW Xamse kala hadlay Safiirka Qatar?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi

Waxaay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo fulinta Qorshaha Cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP).

Xamse ayaa uga mahadceliyey Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Xuska Munaasabada Maalinta 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaale oo kulan deg deg ah la qaatay Madaxda degmooyinka Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin ku hubeysnaa Qaanso & Leeb oo dad badan ku laayey dalka Norwey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---