Ciidanka DF oo burburiyey Maxkamad Al-shabaab ku laheyd Sh/hoose (Sawirro)

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Somalia ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe iyo Number-50 ee gobolka Sh/hoose, halkaasoo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Maxkamad.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysey ayaa sheegay in la burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen degaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceel-saliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta.

Ma sheegin saraakiishu khasaaraha nafeed ee ka dhashay howlgaladan.

Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedyo iskaashanaya ay la wareegeen degaano badan.

- Advertisement -