Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo maanta shirweyne ka furay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha  Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo uga furay Shirweynaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubaland.

Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada ilaalinta deegaanka, kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, iyo la tacaalidda saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira Jubaland ay salka ku hayaan ficillo ay kamid yihiin:

• Deegaamaynta sharci darrada ah
• Jarista aan xadidneyn ee dhirta
• Isticmaalka aan waxtarka lahayn ee dhuxusha
• Qodista ceelal badan oo isku dhow iyo samaynta waro biyoodyo aan qorsheysneyn

Madaxweynaha ayaa si gaar ah faray Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha Amniga in ay si wadajir ah uga hortagaan ficillada halista ku ah deegaanka, loona diyaariyo qorshe cad oo lagu maareeyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, si loo yareeyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraaca Doorashada Aqalka Hoose iyo Xulista Ergooyinka oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumada Rooble oo loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Cabdi Cade

Jaamacadda Carabta oo arrin weyn ka taageereysa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---