Maamulka Galmudug oo ka hadlay Wararka sheegaya iney damacsan yihiin muddo kordhin

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay ka ka hadlay wararka sheegaya in muddo loo kordhin loo sameynayo Madaxda iyo goleyaasha Maamulka.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel ayaa sheegay in baarlamaanka maamulkaas la geeyey sharciga xisbiyada iyo guddiga doorashada, talaabadaasoo uu sheegay inay muhiim u tahay Galmudug

Cabdi Waayeel oo la waydiiyey in sharciga la horgeeyey Baarlamanka uu gogol xaar u yahay muddo kordhin loo sameynayo heyadaha xukuumadda iyo Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in arrintaas ay tahay mid jirta oo ay kaga dayanayaan maamulada kale ka jira dalka oo horey u sameystay muddo kordhin hal sano ah.

“Muddo kordhinta waa mid lagama maarmaan ah iyadoo la eegayo duruufaha ka jira dalka sida abaaraha, dagaalada lagula jiro argagaxisada oo meel xasaasi ah iyo culeysyada dhaqaale iyo bulsho ee jira, codsiga muddo kodhintana waxaa uu ka iman karaa xukuumadda ama baarlamanka” ayuu yiri wasiirka

Hadalka Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) ayaa ku soo aadaya xili maamul goboleedyada Hirshabelle, Jubbaland iyo K/Galbeed oo muddo xileedkoodu ahaa afar sano ay sameysteen muddo kordhin sanad ah, iyadoo Maamulka Puntland uu horeyba muddo xileedkiisu u ahaa shan sano.

- Advertisement -