Xassan Shiikh oo bilaabay Wadatashiyo la xiriira RW cusub & shaqsiyaad la hadal hayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo maalmo ka hor la wareegay xilka ayaa bilaabay wadatashiyo la xiriira shaqsiga loo magacaabayo xilka raisul Wasaaraha dalka.

Sida dastuurka KMG ah uu qabo Madaxweynaha ayaa heysta muddo 30 cisho ah oo uu ku soo magacaabo RW cusub oo uu dalku ku yeesho taasoo ka bilaabaneysa maalinta uu xilka la wareego.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia oo ay la hadashay Allbanaadir Online Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa raadinaya siyaasi qunyar socod ah oo la jaanqaadi kara Siyaasadaha xasiloon ee uu doonayo inuu dalka kaga gudbiyo dhibaatooyinka jira.

Waxaa jira siyaasiyiin badan oo CV-gooda u gudbiyey Madaxweynaha kuwaasoo daneynaya in xilkan loo magacaabo hase ahaatee siyaasiyiinta illaa hadda la hadal hayo kuwooda ugu cad cad waxaa ka mid ah Cali Daahir Ciid oo hadda ah Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galumdug.

Cali waa siyaasi qunyar socod ah, aqoonyahan ah, afgaaban, ka shaqeyn kara Nabada iyo dib u heshiisiinta siyaasad miyir qabtana ku hogaamin kara Xukuumada cusub waana sifooyinka uu Xassan Shiikh ku saleynaayo shaqsiga uu doonayo inuu u xusho RW cusub sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasada Somalia.

“Madaxweyne Xassan Shiikh waxaa uu cashar ka bartay qaladaadkii uu galay afartii sano ee uu horey dalka u soo maamulay, sidaasi awgeed waxaa uu doonayaa inuu sameeyo taariikh, wuxuuna raadinayaa shaqsi ay isla jaanqaadi karaan oo uu RW ka dhigo afarta sano ee socota” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha oo magaciisa diiday inaan xigano.

Waxaa kale oo jira shaqsiyaad kale oo Madaxweynuhu eegaayo taariikh nololeedkooda iyo sida ay xilkan ugu soo bixi karaan, waxaana maalmaha iyo todobaadyada soo socda kala cadaan doona halka uu ku furan doono geeddiga Madaxweynuhu ku baadi goobayo RW cusub ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -