Jen. Indhacadde iyo ciidan uu horkacayo oo caawa la wareegay taalada daljirka Dahsoon

Ciidamo uu horkacayo Jen. Yuusuf Siyaad Indha-cadde ayaa caawa  la wareegay Taallada Daljirka Dahsoon oo la filayo in berri uu ka dhaco bannaanbax ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta.

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Jen. Indhacadde ayaa sheegay in ujeeddada ciidamadan ay tahay sugidda ammaanka dadka bannaanbaxaya, waxaana intaa uu ku daray in aysan jirin cid si gaar ah ugu wakiilatay inuu la wareego ammaanka Musharaxiinta iyo dadka banaanbaxaya, balse uu isago uu taas gartay.

“Dalku waa dowlad la’aan, Farmaajo xilka waa ka dhacay, kursiga Madaxweynenimo waa qalad inuu ku sii fadhiyo” ayuu yiri Indhacadde oo mar ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee Somalia iyo hogaamiye ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamka.

Jen. Yuusuf Siyaad Indha-cadde ayaa xusay in ciidankiisu baaritaanno ka sameynayaan aagga Daljirka Dahsoon si ay u xaqiiijiyaan amaanka goobtaas, banaanbaxuna uu uga dhaco beri si amni ah.

Midowga musharaxiinta xubno ka tirsan ayaa galabta socod dhoolatus ah ka sameeyey taalada daljirka dahsoon ee magaalada Muqdiso, iyagoo watay ciidamo aad u fara badan.

Mucaraadka DF ayaa qorsheynaya iney beri oo Jimco ah banaanbax weyn ka dhigaan magaalada Muqdisho kaasoo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

DF ayaa mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha, ayadoo ku andacootay ka hortaga faafitaanka cudurka COVID-19 oo haatan soo labo kacleeyey, hase ahaatee madaxda mucaaradka ayaa ku gacan seyray hadalka DF iyagoo ku adkeysanaya iney qaban doonaan banaanbaxaas ayna fulin doonaan talaabooyinka loo baahan yahay si looga hortaga cudurka Corona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

- Advertisement -