Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia oo la kulmay dhigiisa Dan Munyuza (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Rwanda S/Gaas, Dan Munyuza, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xarunta Taliska Boliiska Rwanda, ee Kigali Dhiggiisa Somalia S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)

Taliyaha Boliiska Rwanda Dan Munyuza ayaa u muujiyay  dhiggiisa Somalia sida ay uga go’an tahay in ay sii horumariyaan wadashaqeynta labada hay’adood ee fulinta sharciga iyada oo loo marayo dhisidda awoodda iyo isdhaafsiga khibradaha labada dal.

Labada taliye ayaa kala saxiixday heshiis dhanka tababarada Saraakiisha Sare sanadkii 2011-kii, wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa Rwanda tababar loogu soo xiray 11 Sarkaal oo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ku jiraan 6 Saraakiil sare, oo ka qeyb galay koorsada Hoggaaminta & Abaanduul Sare ee Waxbarashada Heerka 2-aad ee Jaamacadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas, Cabdi Xasan Maxamed (Xijar) ayaa dhankiisa qiray in Dowladda Rwanda ay Boliiska Soomaaliyeed ka taageerayso horumarinta amniga, nabad-dhisidda iyo sareynta sharciga.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo si cad u diiday in Labo dal oo Yurub kuyaala ku biiraan NATO

Cabdi Cade

Cabdiweli Gaas oo shaaciyay halka loo waday qeyb kamid ah lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

Masuul Jaamacadeed oo dil loo geestay iyo booliiska oo baaris wada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---