Allbanaadir.com
NEWS

Shariif oo kulan xasaasi ah la qaatay safiirka Mareykanka

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iminkana ah siyaasiyiinta ugu tunka weyn mucaaridka ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Shariifka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed”.

Shariifka ayaa qoraalka sidoo kale ku yiri “Waxaan dhinaca kale uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay dalkeenna ka siiso dhincyadda Ammaanka, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadanimo”.

Mareykanka & dalalka beesha caalamka ayaa wada dedaalo lagu xalinayo khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka ee ka dhex aloosan madaxda DF, mucaaradka iyo madax goboleedyada qaarkood.

Related posts

Wasiir Fiqi & dhigiisa Dr. Badr Abdel Atty oo ka wada hadlay..

Caydiid Ali

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay shilkii dhexmaray ciidanka NISA & Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur (Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo :-Abdirahman Abdishakur “Madaxwayne Farmaajo cid uu aamino ayuu waayay Wiil uu adeer u yahay uu xil u magacaabay “

admin
Taboola Ads ---