Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn kala kulmay qaar ka mid ah dadka aaminsan madhabka Kaatooligga kadib markii uu bartiisa soo dhigay sawir lagu sameeyay garaadka macmalka ah ee AI isagoo u muuqda sida Pope-ka.
Sawirka, oo lagu wadaagay baraha bulshada rasmiga ah ee Aqalka Cad, ayaa imaanaya iyadoo dadka Kaatooliggu u baroor-diiqayaan geerida Pope Francis, oo dhintay 21 April, isla markaana isu diyaarinayaan inay doortaan qofka xiga.
Ururka New York State Catholic Conference ayaa ku eedeeyay Trump inuu ku jeesjeesay madhabka. Wuxuuna sawirku kusoo aadayaa maalmo kadib markii uu weriyeyaasha kula kaftamay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo Pope.”
Trump ma aha madaxweynihii ugu horreeyay ee lagu eedeeyo inuu ku jeesjeesay madhabka Kaatooligga. Madaxweynihii hore Joe Biden ayaa caro abuuray sanad kahor markii uu calaamadda istillaabka ku muujiyay isu soo bax lagu taageerayay ilmo iska soo rididda oo lagu qabtay Tampa, Florida.