Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee lagu ballan-sanyahay maalinta berita ah ayaa u muuqda in aan wax horumar ah laga gaarin xal u helida khilaafka ay ku maqan yihiin labada maamul ee Puntalaand Iyo Jubbaland.
Ergayga gaarka ah ree xoghayaha guud ee QM Ambasador James Swan, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu waday dadaalo xooggan oo uu ku doonayay in shirka uu ka soo qayb galo Madaxweyne Saciid Dani.
James Swan, ayaa maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula kulmay madaxda maamullada si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.
Labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa khilaafkooda xilligan uu yahay mid kala duwan. Khilaafka Jubbaland ayaa mid ah fog oo aysan dowladda federaalka aysan hadda u jajabnayn in Axmed Madoone ay siiso aqoonsi ah in uu yahay Madaxweyne haysta muddo xileed 4sana ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya waa ay ku adagtahay siyaasad ahaan in Axmed Madoobe ay u aqbalaan Doorashadii uu dhawaan ku qabsaday Kismaayo, taasi oo oo dadaal walba ka dhigayso mid aan mira dhal ahayn.
Dadka odorosa siyaasadda ayaa qaba in shirka haddii aysan dhinacyada muhiimka u ah aysan soo xaadirin in uusan noqon doonin mid mira dhal ah ama laga gaaro go’aanka xalka siyaasadeed.
Dani, ayaa wata laba sharuud oo kala ah in dib looga laabto arinta dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameeyay iyo in Axmed Madoobe uu ka qayb noqodo shirka .
Markii ugu horraysay ayaa lagu wadaa in shirkan uu ka soo muuqdo Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa in maamulkaas la aqoonsanayo doorkiisa siyaasadeed ee heer qaran.
Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo xooggan oo lagu doonayo in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafaadka taagan iyo qaabka doorashooyinka loo wajahayo hase ahaatee rajo badan lagama qabo iney mira dhalaan saacadaha yar ee ka dhiman shirka Golaha wadatashiga.