Madaxweyne Erdogan oo si cad u diiday in Labo dal oo Yurub kuyaala ku biiraan NATO

Dowladaha Sweden iyo Finland ayaa doonaya in ay xubin ka noqdaan Gaashaanbuurta NATO, hasa haatee doonista waddamadaasi waxaa si cad u diiday uguna deeriyay Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan in aysan marnaba raali ka aheyn ayna ogolaan doonin in dowladaha Sweden iyo Finland xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO , kuwaa uu ku eedeeyay in ay martigeliyaan kooxaha kurdiyiinta uu ku tilmaamay argagaxiso.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in isagu kasoo horjeedo in Sweden iyo Finlnad xubin ka noqdaan NATO, waxa uuna sheegay in wafuud dalalkaasi usoo dirayaan Turkiga aysan waxba ka faa’iidi doonin go’aankoodana uu yahay mid cad.

“Maalinta Isniinta ayay imaanayaan Turkiga (wafuud ka kala socota Sweden iyo Finland) ma waxay noo imaanayaan si ay noogu qanciyaan, iga raalli ahaada oo waxaan leeyahay yaysan is daalin oo is dhibin, marka hore ma nihin kuwa aqbalaya in kuwii Turkiga cunaqabateynta ku soo rogay ay ku biiraan Nato, sababtoo ah markaas Nato ma noqon doonto urur amni ee waxay noqonaysaa meel ay ku badan yihiin wakiillada ururrada argagixisada,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa dalalka Sweden iyo Finland ku eedeesay in ay gabaad siiso xubno badan oo katirsan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), waxa ayna Turkiga kooxdan u aqoonsan tahay koox argagaxiso.

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale ballanqaadday in ay joojin doonto codsiyada waddamada cunaqabateynta ku soo rogay dalkeeda markii ciidankooda galeen gudaha Siiriya si ay ula dagaalamaan kooxda PKK ee ku sugnaa qeybo kamid ah Siiriya.

Codsiyada ay dalalka Sweden iyo Finland ku doonayaan in ay ku biiraan Gaashaanbuurta NATO ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeelanaya diidmada dowladda Turkiga oon xiriir wanaagsan kala dhaxeyn dalalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -