Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Faarax Caddaani ayaa Shacabka degmadaasi ku dhiirigeliyay iney qaataan Mindiyo, Faasas, Iyo Maqaro ayna ku dilaan Xubnaha Mucaaradka ee ay ku arkaan degmada Kaaraan.
Faarax Cadaani ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad lagu furayey wado interlock ah oo laga dhisay degmada Kaaraan, wuxuuna si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda siyaasada DF.
Waxa uu bogaadiyay diiwaan gelinta doorashoyinka ee ka socoto gobolka banaadir gaar ahaan dagmada kaaraan, isagoo dhaliilay dadka been abuurka ka sheegayo howlaha u qabsoomay maamulka gobolka banaadir gaar ahaan dagmada kaaraan sida uu hadalka u yiri.
“Qaata Maqaro, Ulal & faasas waa u fasaxan tihiin isaga iyo Gurigiisa garaaca Haddii degmada Kaaraan lagu arko qof dowladda Mucaarad ku  idinka Masuul Ka ah” ayuu yiri gudoomiyaha oo a hadlayey shacab goobta ku sugnaa.
Hadalka Gudoomiyaha ayaa caro xoogan ka dhaliyey baraha bulshada, waxaana dadka dhaliilay ay ku eedeeyeen inuusan aheyn hadal uu qof masuul ku hadlo, maadaama uu dhiirigelinayo in shacabka ahy gacmahooda ay hub ku qaataan, waxna dilaan taasoo ka baxsan nidaamka dowladnimada.
Gudoomiye Faarax Cadaani ayaa markii dambe raaligelin ka bixiyay hadalkii carrada xooggan dhaliyay ee uu ka jeediyay goob fagaare ah, kaasoo ahaa in la dilo qof walba oo Mucaarad ku ah Dowlada uu xubinta ka yahay.
Faarax ayaa sheegay in hadalkiisa loo fasiray si qaldan, balse uu ka raaligelinayo bulshada haddii la dhibsaday.