Guddoomiye ku xigeenka BFS oo faahfaahisay qaabkii looga soo celiyey Boosaaso

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa faahfaahisay iney talaabadii maanta maamulka Puntland ku hor joogsadeen dayuuradii ay la socotay ee ku sii jeeday Boosaaso.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in masā€™uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sida ka hor tegitaankeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa VOA u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya ay sheegtay in ka dib markii ay diyaaraddu degtay uu la soo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda.

Xildhibaan Sacdiya oo sidoo kale ah ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu ku sii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee duuliyuhu sheegay inuuu baahan yahay inuu shidaal qaato.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan ah oo iskugu jira bur, bariis iyo saliid; iyo wleiba cuntooyinka nafaqada.

Waxay intaas ku dartay inay mucaawino gaysay magaalada Garoowe muddo hadda laga joogo ilaa saddex toddobaad, laguna wareejiyey maamulka, balse ilaa haatan aan la qaybin.

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inaysan ka warqabin diyaaradda mucaawinada sidday ee maanta laga soo celiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in loo baahan yahay in in mar walba xiriir iyo iska warqab ay yeeshaan dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaana uu sheegay in maamul goboleedka Puntland ay diyaar u yihiin wada shaqayn la xiriirta ka jawaabista dhibaatooyinka abaaraha iyo amniga.

Iska horimaad ka dhashay dayuurada la celiyey oo dhexmaray ciidanka PSF iyo kuwa badda Puntland ee PMPF ayaa waxaa ku dhintay 15 askari oo ka tirsan labada dhinac halka ay ku dhaawacmeen qaar kale.

- Advertisement -