Allbanaadir.com
NEWS

Masuul Jaamacadeed oo dil loo geestay iyo booliiska oo baaris wada

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi kooxo hubeysan ku dileen masuul katirsanaa maamulka jaacadda Bariga Afrika ee kutaalla magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeysan rasaas la dhaceyn marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika, dilka kaddib ayaana la sheegay in goobta ka baxsadeen raggii dilka geestay.

Ciidamada booliiska magaalada Boosaaso ayaana gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaanno ku aadan dilka loo geestay masuulkan katirsanaa jaamacadda Bariga Afrika, ayna ku dadaalayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii dilka geestay.

Magaalada Boosaaso waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo ay geestaan kooxaha hubeysan ee Daacish iyo Al Shabaab, waxaa sidoo kale magaalada dilal ka geesta kooxo hubeysan oo burcad ah iyo askar katirsan ciidamada maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hay’ada NISA oo soo bandhigtay Labo Sargaal oo Al Shabaab kasoo goosatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Talyaaniga oo la noqotay dhaqaale ay Somalia ugu deeqday (Akhri Sababta)

Caydiid Ali

IMF oo dowladda Soomaaliya oo ammaantay tallaabo muhiim ah ay qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---