Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiweli Gaas oo shaaciyay halka loo waday qeyb kamid ah lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay lacagtii Dowlada Imaaraatka Carabta laheyd ee 8-dii bishan April lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in lacagtaasi ay qabatay dowlada Soomaaliya qeyb kamid ah loo waday Puntland looguna tala galay ciidamada Imaaraatka Carabta u tababaraan maamulkooda.

Cabdiweli Gaas ayaa Idaacada VOA u sheegay markii lacagta Imaaraatka wadeen lagu qabtay garoonka Muqdisho uu la xariiray Safiirka Imaaraatka u fadhiya Somalia una sheegay in 3.6 milyan oo lacagtaasi la qabtay kamid ah loogu tala galay Ciidamada Imaaraatka u tababaraan Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo wax laga weediiyay wadahadalo u bilowday Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa sheegay in aysan arintaasi waxba kala socon balse soo dhaweenayo in lawada hadlo lana dhameeyo khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Lacagta Dowlada Soomaaliya ku qabatay magaalada Muqdisho oo gaareysa 9.6 Milyan oo Dollar ayaa sii xoojisay xiisada iyo khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay haween dan yar ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo War kulul kasoo saartay Khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

Shirkii hordhaca ahaa Madaxda DF & dowlad goboleedyada oo la soo gebagebeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---