Xubno qirtay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo xukun dil ah lagu riday (Magacyada+Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday koox shabakad ah oo qirtay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ,kuwaa oo ka howlgalayay magaalada Boosaaso.

Ragan xukunka dilka lagu riday oo afar ahaa ayaa qirtay in ay xubno ka yihiin Al Shabaab , waxa ay sidoo kale maxkamada horteeda ka qirteen dilal iyo qaraxyo dhoor ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso in iyagu ka dambeeyeen.

Garsoorka maxkamadda ayaa sheegay in afartan nin oo kala ah Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamud Abshir Muuse ay qirteen dambiyada loo heesto waxa ay sidoo kale maxkamada xukun ku riday nin kale oo maqane ah.

Muuqaal laga duubay ragan oo hortaagan maxkamada ayey ku qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka masuuliyiin, waxgarad, askar iyo dad kale loogu geestay Boosaaso iyo qaraxyo kale oo khasaaro geestay.

Maamulka Puntland ayaa horey xukuno dil ah ugu riday sidoo kale ugu fuliyay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo lagu qabtay magaalooyin katirsan Puntland, waxaana xabsiyo kuyaala Gaalkacyo, Boosaaso iyo kuwa kale ku jira rag xukuno dil ah lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -