Rooble oo kormeer ku tagay dekadda weyn ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha shaqada kasii tagaya ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dekadda Muqdisho, isagoo u kuurgalayay habsami u socodka howlaha dekadda.

Rooble ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda iyo mas’uuliyiinta dekadda oo uga warrammay sida ay u socdaan howlaha dekadda oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay Wasiirka iyo sidoo kale maamulka kale ee dekadda sida ay shaqada u wadaan, waxa uuna kula dardaarmay in shaqada ay halkeeda kasii wadaan.

Rooble oo ku jira maalmihii ugu dambeeyay uu xafiiska joogo ayaa bilaabay kormeero u muuqdo sagootin uu ku sameenayo qaar kamid ah xarumaha ugu muhiimsan dowladda ee kuyaalla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -