Dadaalo loogu kala dab qaadayay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta oo fashilmay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka socday dadaalo xoogan oo loogu kala dab qaadayay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xubno uu kamid yahay Madaxweynaha Galmudug u diray Hogaamiyaasha Mucaaraadka si ay waan waan uga dhax sameeyaan loogana shaqeeyo in labada dhinac kulmaan.

Midowga Musharaxiinta oo la kulmay siyaasiyiinta usoo diray Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ka dhageestay dalabka uu soo faray iyo waxa uu doonayo, waxa ayna Musharaxiinta ku gacan seereen in ay la kulmaan Rooble.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Musharaxiinta la kulanka Ra’isul Wasaare Rooble ku xireen shuruudo dhoor ah ay kamid tahay in marka hore Xukuumada raali galin ka bixiso weerarkii Jimcaha lagu qaaday Musharaxiinta qaarkood.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka codsaday Musharaxiimnta in marka hore baajiyaan banan baxa ay iclaamiyeen kadibna ay kawada hadlaan sidii xaalada loo dejin lahaa xalkna looga gaari lahaa caqabadaha taagan.

Sida aan xogaha ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya oo soo faragalisay dadaalada socday ayaa la sheegay in ka biyo diiday in raali galin laga bixiyo dhacdooyinkii 19-febraayo, waxa ay sidoo kale Villa Soomaaliya kahor timid soo jeedino ka yimid musharaxiinta.

Dadaaladii laga dhax waday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaana la sheegay in fashil kusoo dhamaaday kadib markii labada dhinacyo ka biyo diideen fulinta shuruudo midba midka kale ku xireen.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa mar kale iclaamiyay banaan bax ka dhan ah Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo, halka Xukuumada Soomaaliya iyana ku celisay in wax banaan bax ah aan lagu qaban karin Muqdisho.

 

- Advertisement -