Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga dib u eegista Dastuurka (Magacyada)

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay ku ansixiyeeb xubnaha ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.

Gudoomiyaha Golaha  Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo soo magacaabay shanta xubnood ee Aqalka Sare ku matalaya guddiga dib u eegista dastuurka ayuu usoo bandhigay xildhibaanada Aqalka sare oo dhankooda meel mariyay xubnahaasi.

Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya dib u eegista dastuurka ayaa kala ah

1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
4. Senator Saalax Axmed Jaamac
5. Senator Xasan Xuseen Xaaji
Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda laga sugayaa in ay soo magacaabaan sidoo kale la ansixiyo xubnaha iyana ku matali doona dib u eehiska dastuurka KMG iyo hirgelinta dastuurka cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Raisul Wasaare khayre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Degaano ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia oo maanta laga sooman yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---