Theresa May oo booqashadeedii ugu horeysay ku imaneysa qaarada Afrika

Ra’isul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa booqashadeedii ugu horeysay ku imaneysa qaarada Afrika tan iyo intii ay xilka qabatay.

Theresa May ayaa sheegtay booqashadan inay tahay fursad qaali ah oo lagu xoojinayo dalalka ay Britain  saaxiibka yihiin ee ku yaalla Afrika.

Booqashadeeda waxay ka billaabi doontaa talaadada berri ah dalka Koonfur Afrika, waxay tagi doontaa Nigeria, waxayna socdaalkeeda ku soo afjareysaa dalka Kenya.

Safarkeeda Kenya ayaa lagu sheegay inay la xiriirto amniga gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia iyo qeybo ka mid ah Kenya.

Britain ayaa waxaa ka jooga Kenya ciidamo ka caawiya dagaalka Al-shabaab oo dhibaatooyin xoogan ka geysatay gudaha Kenya.

Booqashada May ee Afrika ayaa lagu sheegay inay ku dooneyso taageerada Waddamada Afrika gaar ahaan qorshaha ay wadato ee ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Europe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -