Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Madaxweyne Xassan Shiikh

Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo ahaa ineysan aqbaleyn gooni isku taaga Somaliland balse aysan carqaladeyn doonin arrimaha la xiriira horumarka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa hadalka Madaxweyne Xassan Shiikh ku tilmaamay wax lala yaabo oo xaqiiqada ka fog.

“Hadalkaas waxaan u aragnaa nin isagoo taagan maalin riyooday, sababtoo ah dhul uusan xukumin oo 30 sano ay ka jireen dowlado dimoqraadi ah oo gaamuray ayuu leeyahay waan xukumayaa” ayuu yiri Wasiirka.

Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in dowlada Somalia uu xukunkeeda ku kooban magaalada Muqdisho iyo daafaheeda sidaas awgeedna uusan wax saameyn ah laheyn hadalka Xassan Shiikh.

“Dowlad kasta ee had iyo jeer ka soo baxda Muqdisho iyo daafaheeda waxay mar walba ku hadaaqdaa iney xukumayaan Somaliland oo 30 sanadood danaheedi qabsatay, nabadgelyo, horumar iyo dimoqraadiyad gaartay, laga qabtay doorasho qof iyo cod ah, Madaxweynayaal badan soo mareen, waa wax lala yaabo runtii” ayuu intaas ku daray Saleebaan Cali Koore.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay isku tashadeen, aysana jirin cid ay uga baahan yihiin caawimaad.

“Ma jirto cid aan u daba fadhino masiirkeena iyo aayo ka talinteeda, Somaliand waa dal xor ah oo madax banaan, horumar dhinac walba leh ku talaabsaday, aqoonsi iyo mucaawino toona ugama baahna dowlada Muqdisho” ayuu yiri wasiirka.

- Advertisement -