Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare khayre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka dalka ka ambabaxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo ugu baxay Dalka Qatar.

Khayre ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah oo qayb uu ka yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia iyo xubno kale sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay bogga facebook ee xafiiska Raisul Wasaaraha dalka.

Lama faahfaahin illaa hadda ujeedada safarka RW khayre iyo wafdigiisa ay ugu ambabaxeen magaalada Doha ee dalka Qatar, hase ahaatee dowlada Qatar ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee dowlada Somalia, iyadoo mashaariic badana ka wada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin soo dilay Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo lacag abaal-marin ah la siiyay

Cabdi Cade

Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo kamid noqday BF oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

Cabdi Cade

Mahathir Mohamad & labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan la xiriira musuq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---