Degaano ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia oo maanta laga sooman yahay

Qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa maanta laga sooman yahay xili, dunida muslimka inteeda badan iyo Soomaaliya inteeda kale looga dabaaldegayo Munaasabada maalinta Koowaad ee Ciidul-fitriga.

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in degaanada Maamulka Galmudug ee ay gacanta ku hayaan Ahlu sunna aan maanta laga ciideyn, isla markaana laga sooman yahay.

Degaanada laga sooman yahay ee ka tirsan gobolka Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Dhuusamareeb, Gurigceel iyo tuulooyin farabadan oo hoos taga, waxaana xiran maqaayadaha laga cunteeyo iyo masaajidada.

Masuuliyiin ka tirsan Ahlu sunna ayaa sheegay in maanta ay sooman yihiin maadaama u tahay iyaga bisha Ramadaan 29, waxayna xuseen iney ciidayaan beri oo Arbaco ah haddii ay caawa arkaan bisha Shawaal.

Sanad kasta marka la gaaro Ramadaanka iyo ciidul Fitriga degaanada ahlu sunna ee gobolka Galgaduud waxay hal maalin ka dambeeyaan Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, waxaana dad badan ay isweydiinayaan sababta maamulka halkaas ka jira ay sanad kasta u khilaafaan bisha Ramadaan ciidaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -