Rooble oo guddoomiyay shirkii ugu Danbeeyay ee yeeshaan golaha Wasiiradda Soomaaliya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xikuumadda Federaalka Soomaaliya ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada.

Shirkan ay saakay yeesheen golaha wasiirada waqtigooda dhammaaday ayaa dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Rooble muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Ra’isul Wasaaraha magacaabab ee Xamsa Barre ayaa lagu wadaa marka codka kalsoonida xildhibaanada golaha shaacabka helo uu soo magacaabo golle wasiiro cusub oo shaqada xukuumadda la wareega.

- Advertisement -