Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay iney soo daabaceyso lacag cusub

Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Max’ed Amiin Sheekh Cismaan ayaa sheegay in qorshayaasha dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ay ka mid tahay in daabacaan lacagta shilin Soomaaliga.

Hadalkan ayuu Max’ed Amiin Sheekh Cismaan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay Shirka Dhaqaalaha Qaranka

“Waxaa qorshaha ka mid ah in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah, oo aan rajeynayo runtii inay noqoto mustaqbalka mid dalkaan iyo dadkaan dhaqaalihiisa wax ka badasha, waana miisaanka lagu cabiro dhaqaalaha qaranka” ayuu yiri Max’ed Amiin Sheekh Cismaan

Lacagta shilin Soomaaliga ayaa ah mid ka sii dabar go’eysa wadanka oo dhan iyada oo gabi ahaan ka joogsatay gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Dowladii uu horkacayey Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayday iney soo daabacdo lacag cusub oo shilin Soomaali ah hase ahaatee shuruudaha deyn cafinta ee heyadda IMF ayaa ka hor joogsaday talaabaadaas, lamana oga sida dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ay ugu guuleysan karto arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland oo is casilay iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Apple oo noqotay Shirkaddii ugu horreysay ee Adduun dhan 3 tiriliyan oo doolar samaysa

Cabdi Cade

Cumar Filish oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Eng Yariisow iyo halka ay ku dambeesay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---