Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Waxaa beri oo axad ah lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa oo horey dhoor mar dib loo dhigay.

Doorashada waxaa isku diiwaan galiyay afar Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo sidoo kale Shan Musharax oo iyana u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay fadhi maanta yeesheen Xildhibaanada dowlad goboleedka Galmuug ayaa shaaciyay in bari oo axad ah ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Waxa uu gudoomiyaha ugu baaqay Xildhibaanada Galmudug in ay soo xaadiraan xili hore kulanka Baarlamaanka si waqti hore loo bilaabo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa si weyn loo wada sugayaa, waxaana inta badan la saadaalinayaa in Madaxweynaha Galmudug uu kusoo bixi doono Musharax Axmed Qoor Qoor halka kuxigeenka aan wali la hubin shaqsiga kusoo baxaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -