Dhalinyaro wadatay Baangado & Mindiyo oo lagu qab qabtay Degmo katirsan Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada booliiska Degmada Kaaraan ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafado katirsan degmadaasi kusoo qab qabtay dhalinyaro ku hubeesneed faasas , mindiyo iyo biro waxyeelo geesan kara.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in dhibaato ka geesanayeen xaafado katirsan degmada Kaaraan, waxa ayna ciidamada booliiska oo ka jawaabayay cabasho shacabka kasoo yeertay ku guuleesteen in ay gacanta ku dhigaan dhalinyaradan.

Maamulka Degmada Kaaraan ayaa sheegay in dhalinyaradan falal dambiyeedyo ka geesanayeen xaafadaha Kaaraan, waxa ay sidoo kale sheegeen in dhalinyaradan oo kooxo iska soo horjeeda u abaabulan mararka qaar dhaxdooda is dhibataeeyaan.

Degmada Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu amaanka xun magaalada Muqdisho, waxaana degmadan ka howlaga burcad qoryo ku hubeesan  iyo sidoo kale dhalinyaro isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya oo iyana wata tooreeyo iyo baangado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -