Magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka oo Dab looga qaxayo (Daawo Sawirada)

Dab xoogan oo isbuucii hore ka kacay Koonfurta gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa kusii faafaya magaalooyin hor leh oo dalkaasi kuyaala ,kadib markii lagu guul dareestay in dabkaasi la damiyo.

Dabkan xoogan ee ka kacay gobolka California ayaa sababay in guryahooda ka qaxaan in ka badan 200-kun oo qof, waxa uuna dabkan baabi’iyay guryo badan iyo sidoo kale dhul beereed baaxad weyn.

Sida ay ku waramayaan Warbaahinta dalka Mareykanka dabka oo si xowli ah u socda ayaa kusii faafaya magaalooyin hor leh oo kuyaala dalka Mareykanka, waxaana dadku bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada Santa Barbara oo dabku ku dhawaaday.

Dabka ayaa laga cabsi qabaa in maanta oo isniin ah kusii fido deegaano hor leh, waxaana dabka sii xoojiyay dabeylo xoogan oo ka dhacaya dhulka uu dabku qabsaday, waxaana wali lagu guuleysan la’ yahay daminta dabkan xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -