(Sawirro) Ku dhowaad 130 dagaalyahano Islaamiyiin ah oo lagu laayey saddex howlgal

Ciidamada Burkina Faso ayaa sheegay in ugu yaraan 128 dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah lagu dilay saddex howlgal oo militariga dalkaasi sameyeen.

Howgalladan ayey dowladu sheegtay in lagu sugayo ammaanka kuwaasoo xoojiyay bartimihii bishii May iyo bishaan June.

Bishii la soo dhaafay weerar ka dhacay magaalada Seytenga ee waqooyiga gobalka Saaxil,ayaa lagu dilay in ka badan 80 qof waxaana ku barakacay kumannaan kale.

Bishii Jannaayo ee sanadkaan milatariga ayaa af-gembi kula wareegay awoodda waxayna dowladda ku eedayeen inay ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka iyo weerarada ay gaysnayana kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Burkina Faso ayaa la dhibtoonaysa weeraro joogta ah oo kaga imaanaya kooxaha jihaad doonka ah tan iyo sanadkii 2015-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -