Fahad Yaasiin oo Axmed Madoobe ku tilmaamay Kansar Siyaasadda dalka ku dhax jira

Taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa wareysi dheer uu bixiyay waxa uu ku weeraray Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin ayaana ku tilmaamay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu yahay kansarka ku dhax jira Siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna ku eedeeyay in uu yahay nin u shaqeeya cadawga Soomaaliya gaar ahaan Kenya.

Waxa uu sheegay Fahad Yaasiin in Madaxweynaha Jubbaland uu yahay mashruuc ajnabi uu lagu beeray Soomaaliya ,waxa uuna cadeeyay in maalintii Axmed Madoobe ka baxo Siyaasadda dalka in ay hagaagi doonto Soomaaliya.

”Axmed Madoobe sideedaba waa mashruuc ajnabi oo lagu beeray Soomaaliya kuna nool, haddaan si kale kuugu dhigo Axmed Madoobe waa kansar siyaasadda Soomaaliya ku dhax jira, maalinta uu siyaasadda Soomaaliya meel uga baxo maalintaas ayey Soomaali haggaageysaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay wadahadalo marar badan la yeesheen Axmed Madoobe in ay fashil kusoo dhammaadeen, waxa uuna beeniyay in ay horey isugu dayeen in ay dilaan ama sidoo kale xiraan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe isaga oo shaatiyo kala duwan xiran in uu la dagaalamay ilaa afar Madaxweyne uu ugu horeeyay Cabdullaahi Yuusuf, waxa uuna sheegay in iyaga kaliya la dagaalamin sidoo kale la dagaali doono dowladda Xasan Sheekh.

”Waa maxay sababta uu Axmed Madoobe ula dagaalamy lix madoobe , sababtee ayuu kaligiis ilaa hada u joogaa, madaxda caalamka waa is bedelaan , kuwa Soomaaliya isbedelay, kuwa Kenya iyo Itoobiya , maxaa isaga kaligii wali u taagan yahay” ayuu isweediiyay Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaana sheegay in dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe isku khilaafeen dan Soomaaliyeed ,waxa uuna ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu ka shaqeenayay danta cadawga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -