Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo saakay ka degay Nairobi iyo xog ku aadan ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa saakay ka degay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isaga oo diyaarad gaar ah ka qaatay magaalada garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Axmed Madoobe oo si weyn isku hayaan madaxda dowladda Federaalka, ayaa la filayaa in magaalada Nairobi kula kulmo wakiillo katirsan beesha caalamka, masuuliyiin katirsan dowladda Kenya iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa xubnaha uu la kulmayo uga warbixin doona xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe, ayaa warar soo baxaya sidoo kale sheegayaan in laga yaabo in Nairobi uga sii gudbo dalka Imaaraadka Carabta, halkaas uu kulama kula qaadan doono masuuliyiin katirsan dowladda Imaaraadka oo la tuhnayo in ay taageereyso mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku guuldareesatay in safarada dibadda ah kahor istaagto Madaxweynaha Jubbaland, xilli degmooyin katirsan maamulka Jubbaland dowladda saartay cunaqabateyn dhinaca cirka ah oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka shacabka ah.

Related posts

Ciidanka huwanta ah ee la wareegay Degmada Ceeldheer oo deeq la gaarsiiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Garawe iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---