Ganacsade si weyn u taageera afkaarta Al Shabaab oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howgiisa kala baxeen xabsigana dhigeen Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan Muqdisho.

Ganacsadahan ayaa sababaha loo xiray lagu sheegay in Wareysi uu dhawaan siiyay Idaacada kutaala magaalada Muqdisho ku shaaciyay in uu taageersan yahay afkaarta qaar ee kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowlada Soomaaliya.

” Al Shabaab waan taageersanahay mabda’ ahaan raali ayaana ka ahay gaaladan gafuurta weyn ee ee ku jira xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho” ayuu ku sheegay Wareysi uu bixiyay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay in uusan ka cabsaneyn in uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan taageerada Al Shabaab, waxa uuna marar badan Warbaahinta ka cadeeyay in uu taageersanyahay Al Shabaab.

Taliska NISA ayaan wali ka hadlin xarigan la sheegay in ay u geesteen Ganacsade Abuukar Cadaan , waxaana dhawaan Nabad Sugida sidoo kale Muqdisho ku xireen ganacsade kale oo la dhashay Xaaji Abuukar oo lagu eedeeyay in garsoor u doontay Al Shabaab

- Advertisement -