Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa goordhaw ka dhacay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob ay saf ugu jireen ciidamo tababar isku diiwaangelinayay.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa goordhaw ka dhacay xerada Damaanyo, dad badan oo dhintay ayaa waddooyinka yaalla halka dadka dhaawacmayna loola cararay goobaha caafimaadka.
Ciidamada amaanka ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada u gurmanayaan dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, iyaga sidoo kale bilaabay baaritaanno qaraxa ku aadan.
Xerada Damaanyo ayaa marar hore sidaan waxaa uga dhacay qaraxyo dhiig badan ku daatay, kuwaa oo lagu dilay askar safaf ugu jiray in la qoro iyo kuwa kale oo gaardis ku jiray.