Maxaa ka jira in la dayacay amniga marxuum Xildhibaan Cismaan Clmi Boqore?

Marxuum xildbhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa xalay maqribkii lagu dilay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya warar sheegaya in amniga xildhibaanka uu ahaa mid beylah ah.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Xildhibaan Boqore ay kulmeen todobaadyo ka hor, kana walaacsanaa xaalada amnigiisa.

“Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa ka walaacsanaa amnigiisa gaar ka ah ka dib markii Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegay”ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Warar kale oo laga helay dadka la noolaa xildhibaanka ayaa sheegay in marxuum Boqore uu shalay tagay saldhiga booliska Kaaraan, uuna saraakiisha halkaas joogtay u sheegay inuu ka walaacsan yahay amnigiisa, isagoo ka dalbaday iney siiyaan askar ilaalo ah, balse kuma guuleysan.

Xildhibaan Boqorre ayaa ahaa xildhibaanka kaliya ee ka tirsan baarlamaanka oo deganaa xaafadaha caadiga ah ee ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho isagoo magaalada ku socdaali jiray ilaalo la’aan.

Khudbaddii ugu dambeysay ee uu ka jeediyay golaha shacabka ayuu Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre diiradda ku saaray amniga wuxuuna si qiiro leh uga hadlay caqabadda dhaqaale ee heysata ciidanka.

Bishii Setembar ee sannadkii 2018-kii ayuu xildhibaanka jeediyay khudbaddiisii ugu dambeysay ee baarlamaanka, taasoo qalbiyo badan taabatay.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay howlaha sugidda amniga, isagoo sheegay in ciidanka amniga ay u baahan yihiin in xuquuqdooda loo dhammeystiro.

“Ciidan niyad sami iyo kalsooni qaba ayaa amni suga, hadduusan ciidanku kalsooni qabin amni ma sugo, tiro kastaba hala ekaadee. Ciidanka maanta aan heysannaa niyad ma hayo. Ciidanku waajibna isaga ayaa leh waajibna isaga ayaa lagu leeyahay. Marka la siiyo waajibka uu leeyahay ayuu waajibkiisa fulin karaa”, ayuu yidhi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga qudhiisa mar uu ku dhaawacmay weerar uu kala kulmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Aniga nin ilaaladeyda ah ayaa isbuuc ka hor i feedhay. Guddoomiyuhu markhaati buu ka yahay, anigoo sakaraad ah ayaa gurigiisa la ikeenay. Nin ilaaladeyda ah ayaa i dilay laakiin kama xumaanin, sababtoo ah waxaan ogaa in ninkaas aan saddex ama afar bilood mushaar la siinin. Wax aan meelaha ka jaaf jaafo ayaan siinayay, guddoomiyaha laftiisa ayaan 2 bilood mushaar uga qaaday, markii aan isbitaalka digfeer kasoo baxay waxaan raalli galiyay askarigii i feeray”, ayuu yidhi xildhibaanka.

Dilka xildhibaanka ka dib ayaa taliska ciidanka booliska waxay shaaciyeen iney qabteen labo ka mid ah kooxihii ka dambeeyey dilkiisa iyo gaari lagu fuliyey weerarka ayna ku raad joogaan raggii dilka geystay qaarkood oo baxsaday.

Madaxda sare ee dowlada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida xildhibaan Boqore oo ka tirsanaa xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh, waxaana weerarka lagu dilay xildhibaanka sheegatay sida la filayey kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -