Madaxweyne hore Farmaajo oo war cusub soo saaray kana hadlay Isbadalka dhacay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa qoraal kooban uu soo saaray uga hadlay doorashadii dalka ka dhacay ee looga guuleestay kuna soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaana sheegay in dowlado Soomaaliya ka facweyn oo dimuquraadi ah doorashooyinka ka dhaca mararka qaarkood ay hareeyaan muran iyo khilaafaad , waxa uuna xusay in guusha doorashada Soomaaliya maanta tahay mid lagu faani karo.

Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad,guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed sare u qaadday.” ayuu yiri Farmaajo.
 
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in dalka hadda leeyahay dowlad la doortay oo shaqeeneysa, waxa uuna xusay in qori isku dhiinbka ama isbadalka dalka ka dhaca ay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan sida uu tilmaamay.
 
”Dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay, laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.” ayuu yiri Farmaajo
 
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa xukunkiisa ku darsaday muddo sannad ka badan, waxa uuna ku guuldareestay in mar kale dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya uu loolan adag u galay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -