Madaxweyne caan ah oo lagu xukumay ganaax lacageed iyo xabsi guri (Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Colombia ayaa Madaxweynaha xilka haya ee dalkaas ku xukuntay ganaax dhan 4 kun oo dollar iyo xabsi guri shan maalmood ah, kaddib markii ay ku heshay dembi ah inuu u hoggaansami waayey amar Maxkamadeed oo farayey in la ilaaliyo dhul danguud ahaa oo lagu nasto

Qoraal ka soo baxay Maxkamada oo ay  xukunkeeda ku faahfaahisay waxaa lagu sheegay in Madaxweynuhu quursaday Maxkamada.

“Madaxweyne Ivan Duque waxa uu quursaday garsoorka, maadaama uu qaadi waayey tallaabooyin lagu ilaalinayo beerta qaranka ee Los Nevados, taasoo ay 2020 kii amartay maxkamadda sare ee dalka” ayaa lagui yiri qoraalka.

Dhinaca kale, maxkamaddu waxay madaxweynaha amar ku siisay inuu dhiso cutub ciidanka qaranka ka tirsan oo gacan ka geysta hawlaha ilaalinta iyo daryeelka beerta qaranka.

Madaxweynaha oo arrintan ka jawaabaya ayaa ku dooday in ay xukuumaddiisu ilaaliso beertaas dabiiciga ah, iyo inay u hoggaansantay amarkii maxkamadda sare hore uga soo saartay.

Waxa uu ku andacooday in xukunka hadda soo baxay aanu dastuurka waafaqsanayn, isla markaana cadaalad ahayn maadaama uu fuliyey xukunkii hore.

Madaxweyne Ivan Duque oo ah 42 sanno jir xukunka qabtay sannadkii 2018 kii, waa madaxweynihii ugu da’ yaraa ee abid dalkaas hoggaamiya.

Muwaadiniinta dalkaas iyo in badan oo dunida kale ka mid aha waxay soo dhoweyeen madaxbannaanida garsoor ee keentay in maxkamaddu ku dhiirrato go’aankan.

- Advertisement -