Wasiirkii Caafimaadka dalka Britain oo is casilay kadib Fadeexad weyn oo lasoo daristay

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Britain Matt Hancock, ayaa waxaa lasoo darsay fadeexad xoogan oo si weyn looga hadal hayo Warbaahinta Caalamka, waxa ayna fadeexadan durba sababtay in uu si deg deg ah isku casilo Xoghayaha caafimaadka Britain.
 
Matt Hancock, ayaa qirtay in uu sameeyay qalad weyn uuna jabiyay sharciga xakameynta ee cudurka Covid-19, waxa uuna raali galin u diray xukuumadii uu katirsanaa iyo shacabka Britain oo ka carooday fadeexada lasoo daristay.
 
Wasiirka caafimaadka ee Britain ayaa warqada Is-casilaadiisa u gudbiyey Ra’isul Wasaare Boris Johnson, isagoo sheegay inuu ka xun yahay Fadeexada ay Warbaahinta soo bandhigeen isagoo dhunkanayay gabar Gacan-Yare ka ah Xafiiskiisa.
 
Fadeexada lasoo daristay Wasiirka caafimaadka Britain ayaa si weyn waxaa u hadal haya warbaahinta dalkaasi, waxa ayna fadeexadan keentay in shacabka dalkaasi ka caroodaan hab dhaqanka xoghayaha oo jabiyay Sharciga kala Fogaanshaha ee Xakamaynta COVID-19.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -