Qoor Qoor oo safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmo kooban safar shaqo ku joogi doona Cadaado ayaa waxaa si diiran degmada Cadaado ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Galmudug, maamulka degmada cadaado, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qoor Qoor ayaa la filayaa inta uu joogo magaalada Cadaado in uu la kulmo maamulka degmada ,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala hormuudka bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado

Madaxweynaha Galmudug ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aan tagin magaalooyinka Galmudug marka laga reebo Dhuusomareeb iyo Gaalkacyo oo doorasho ka dhacday, waxa uuna inta badan Qoor Qoor joogay Muqdisho iyo Dhuusomareeb.

- Advertisement -