Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa si weyn Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdiga la socda ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa soo dhaweynta kadib loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed halkaas oo la filayo in uu ku nasto kadibna kulama kula qaato Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh goordhaw ku tagay magaalada Baydhabo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu kaga baxo caasimadda Muqdisho tan iyo markii dib loo doortay 15-kii bishan May.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo xubin ka noqotay golaha fulinta ee Baarlamaanka dalalka Afrika

Cabdi Cade

Soomaali kasoo carartay Colaada dalka Yaman oo soo gaaray Boosaaso (Daawo Sawirada)

admin

Bushaaro Muhiim ah oo loo hayo Qurbo joogta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---