Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xoosh oo Guddiga doorashoyinka Qaranka oo ka arinsaday..

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha  Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla

Waxaa uu kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marwo Aamina Shiekh Cismaan Maxamed oo ah qofka ugu da’da weyn xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa noqotay Guddoomiyaha Ku Meel-gaarka ah ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, sida uu qabo qodobka 12-aad faqradiisa 3-aad ee Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Marwada ayaa xilkaas heyn doonta inta gudddigu iska dhex dooranayaan gudoomiye rasmi ah ee hogaamin doona.

Related posts

Dhismaha Tayaatarka Qaranka oo heer gabo gabo ah maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaalo & duqeymo khasaare sababay oo ka dhacay Laascaanood

Caydiid Ali

Dowladda oo ka hadashay wararka sheegaya in Imaaraadka joojiyay lacago uu ciidanka siin jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---