Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo u digay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa hambalyo u diray ciidanka qalabka sida ee Somalia taasoo ku aadan 62-sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidankaas oo ku beegan beri oo taariikhdu tahay 12ka Apriil.

Wasiirka ayaa dhinaca kale uga digay ciidamadain loo adegsado dano siyaasadeed.

“Waxaa laga doonayaa dhammaan qeybaha CQS iyo taliyayaashooda in aysan yeelan sumad iyo ujeedooyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana foojignaadaan ku milanka siyaasadaha is diidan ee waqtiga la dhammaa doona,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur, RW Rooble iyo xubno kale ayaan ka qeyb geli doonin xuska 12ka Apriil ee beri ku beegan maadaama uu ka qeyb galayo madaxweyne Farmaajo oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED UU SOO SAARAY

 

- Advertisement -