Kaamiro Cusub oo Ogaan karta qofka farxadiisa iyo Murugadiisa oo lasoo saaray (Daawo Sawiro)

Waxaa sii kordhaya hormarada laga gaarayo dhinaca tiknoolajiyada casriga , waxaana maalinbo maalinta ka dambeysa soo baxaya qalabyo casri ah sida Kaamirooyinka wax duubo.

Shirkada Affectiva ayaa soo saartay Kaamirooyin casri ah oo lagu ogaan karo dareenka qofka, waxa ayna Kaamiradan awoodaa in ay aqoonsato qofka farxadiisa iyo sidoo kale murugadiisa.

Qalabkan casriga ah ayaa  aqoonsan kara dadka xudduudaha dalalka ka talaabaya, in lagu furto laguna xirto taleefoonada caaqilka ah, in lagu garto dambiilayaasha, iyo sidoo kale in lagu isticmaalo adeegyada bangiyada.

Shirkadda Affectiva oo hawshan ka dambeysa ayaa sheegtay in ay duubtay shucuurta kala duwan ee dad dhawr ah oo ogolaansho laga heley, kadibna la baray qalabka shucuurtaas, waxaana markii dambe la sameeyay tijaabo ah in dad kale lagu tijaabiyo.

Muran badan ayaa ka dhashay qalabkan casriga ah ee lasoo saaray , waxa ayna dad badan ka xun yihiin in qalabka  casriga ah ee dareenka dadka duubaya sidoo kale dambiilaha aqoonsan kara in laga sii iibiyo laamaha amaanka.

Kaamirooyinkan casriga ah ayaa sidoo kale suurto gal tahay in ay ogaadaan dareenka qofka sida waxa uu damacsan yahay ,waxaana dad badan siyaabo kala duwan uga falceliyeen qalabkan iyo waxa uu keeni karo.

Khuburo ku takhasustay Tiknoolajiyada casriga ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in aan lagu kalsoonaan karin qalabkan casriga ah iyo sida uu mararka qaarkood u cabiri karo dareenka dadka.

Booliiska Shiinaha ayaa loo qeybiyay Ookiyaal lagu rakibay kaamirooyin casri ah oo aqoonsan kara qofka dambiilaha ah iyo sidoo kale dadka kale ee laamaha amaanka baadi goobka ugu jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -