Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo dalab culus u dirtay dhigeeda dalka India

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay Hindiya la wadaagtay codsi la xiriira in safaaradda ay ku leedahay Muqdisho iyo qunsuliyadaha ay dalka ku leedahay in loo soo fasaxo bixinta dal ku galka Hindiya.

Arrintan ayaa ku soo aaday xili dhibaatooyin badan ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaalida ah ee caafimaadka iyo waxbarashada u taga dalkaas inay helaan dal ku galka Hindiya, iyagoo u safra safaaradaha India ee Nairobi iyo Addis Ababa

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta sheegay inta uu ku sugnaa New York, inuu la qaatay kulan gaar ah dhiggiisa Hindiya, S. Jaishankar oo ay uga wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin in dal ku galka Hindiya muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu siiyo gudaha dalkaas

Arrintaa ayuu Ambadasor Fiqi sheegay inuu rajo badan ka qabo waqti dhow in la arko.

Wasiirku wuxuu ka hadlay muhiimadda ah in la hagaajiyo adeegyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaala Hindiya, gaar ahaan kuwa Waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo ganacsiga.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Antony Blinken iyo Demeke Mekonnen (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo saakay lagu arkay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo Ballanqaad u sameeyay Baarlamaannada Maamul goboleedyada(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---