Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ergada Beesha Saleebaan oo goordhaw lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray ergayda beesha Reer Xaaji Saleebaan ku matalaya shir weynaha dib u heshiisiinta dadka dega Galmudug.

Diyaarad magaalada Muqdisho ka qaaday ergadan ayaa goordhaw lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay xubno katirsan guddiga dib u heshiisiinta, waxgarad iyo ergo horey halkaasi u joogtay.

Ergadan maanta gaartay magaalada Dhuusomareeb ayaa aheyd ergada ugu dambeysa ee la sugayay, waxaana magaaladaasi horey u gaaray ergada beelaha kale ee dega Galmudug ku matalaya shirka dib u heshiisiinta.

Isbuucan guduhiisa ayaa la filayaa in magaalada Dhuusomareeb si rasmi ah uga furmo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana magaaladaasi la filayaa in mar kale gaaro Ra’isul Wasaare Kheyre si shirka halkaasi uga furo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Ciidankii ku jiray Dagaalkii ka dhacay Muqdisho oo la baadi goobayo & Musharaxiinta oo..

admin

Daadadkii ugu xumaa muddo 50 sano ah oo ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Eritrea oo Qoraal ka dhan ah Dowlada Mareykanka u dirtay Golaha Amaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---