Maamulka gobolka Gedo oo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii Axmed Madoobe

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Garbahaarrey oo ah degaan doorashada labaad ee Galmudug halkaasoo ay taallo 16 kursi.

Waxaa uu sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubbaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo si furan loo tartamo, isagoo isweydiiyey sababta uu Axmed Madoobe doorashadii boobka aheyd uga sammeeyey.

Axmed madoobe ayaa sheegay in marnaba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo isla markana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrintaas ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas laga dhex sameeyo, doorashaduse ay sideedii u dhacdo.

Hadalkan ayaa imanayaa kaddib markii madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu xalay carrabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dalka ka socota.

 

- Advertisement -