Xoghayaha guud ee Gollaha Shacabka oo Wargelin u diray Xildhibaanada la diiwaangelinayo

Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ayaa shaaciyay in beri oo sabti ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa qoraal uu soo saaray ku wargaliyay dhammaan xildhibaanada golaha shacabka ee la diiwaangelinayo in ay horey usoo qaatay aqoonsi sida baasaboor ama dhalasho.

”Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka wuxuu dhammaan xildhibaannada la diiwaangelinayo ku wargelinayaa marka ay imanayaan Xarunta Diiwaangelinta iyo Bixinta Kaarka Aqoonsiga (ID CARD) ee Villa Hargeisa horey u soo qaataan Aqoonsi Dowladeed (baasaboor ama dhalasho ama wax u dhigma) oo magaca ku qoran waafaqsan/la mid yahay magaca ku qoran Shahaadada Guddiga FEIT iyo Laba Sawir oo nooca Baasaboorka ah (Passport size) dhabarka dambe cadaan ah (white background).” ayaa lagu yiro qoraalka Buux soo saaray.

Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ayaa wareejiyay xogta xildhibaanada labada aqal ee lagu doortay dowlad goboleedyada, waxaana la filayaa in marka xildhibaanada la siiyo shahaadada kaddib la dhaariyo una diyaar garoobaan doorashada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -