Suuqa Weyn ee Magaalada Hargeysa oo Dab xoogan ka kacay

Dab xoogan oo geestay khasaaro badan oo maaliyaeed ayaa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, waxaana socda dadaalo xoogan oo lagu daminayo dabka xoogan oo ku fiday qeybo kamid ah Suuqa.

Ciidamada dab damiska oo adeegsanaya gaadiidka dab damiska iyo agabyo kale ayaa ku dadaalaya sidii ay dabka u damin lahaayeen, waxaana socda dadaalo badan oo looga hortagayo in uu suuqa kusii fido dabka.

Goobta dabku ka kacay waxaa buux dhaafiyay ciidamada ammaanka iyo sidoo kale qaar kamid ah ganacsatada Suuqa oo doonaya in hantidooda kala baxaan suuqa inta uusan dabka kusii fidin suuqa.

Waxii warar ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe insha allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -